Ururka UHUBSO oo kaalmo waxbarasho gaadhsiiyay Gobolka Sanaag

12 June 2005


Ceerigaabo (Jam)- Urur lagu magacaabo UHUBSO oo fadhigiisu yahay waddanka Ingiriiska oo ay ku bahoobeen dhallinyaro reer Sanaag ah ayaa soo gaadhsiiyay Maamulka Waxbarshada Gobolka Sanaag iyo Guddida Waalidiinta deeq guno lacageed ah oo mudo hal sano ah loogu talogalay qiyaastii toban Macalin oo Wax ka dhiga Dugsiga Sare ee Ceerigaabo.
Xaflad Arrintaas loo sameeyay oo ka dhacday Xafiiska Gudoomiyaha Waxbarshada Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka soo qaybgalay Maamulka Degmada Ceerigaabo, Guddiyada walidiinta, xubno ka tirsan Ururada samafalka waddaniga ah, ganacsatada, wawlwadeenada Wasaaradda Waxbarshada, iyo marti sharaf kale.
Ugu horayn Waxaa halkaa Ka hadlay Axmed Cali Xassan (Cadami) Wakiilka Uhubso ee Gobolka Sanaag Wuxuuna Sharaxay ujeedada Deeqdan oo ay ugu wayn tahay sidii Macalimiinta loogu heli lahaa wax joogto ah oo ka caawiya nolol-mMalmeedkooda Si ay suura gal u Noqoto inay suur Gal u noqoto inay ku Xasilaan Hawsha waxbarista.
Sh Maxamed Calli Bixii oo ka mida Culimada Gobolka Sanaag ayaa isaguna ugu horayn Uga mahad naqay ururka Kaalamada bixiyay sida ay isugu xil qaameen sidii ay Gacan uga Gaysan lahaayeen qayb ka mida Wax Yaabaha ugu muhiimsan Tiirarka Nolosha oo ah Waxbarshada, Sheekhu wuxuu aad uga waramay Faaidooyinka Cilmiga iyo sida ay waajib u tahay in la dhiiri geliyo.
Waxa iyaguna xaflada ka hadlay Yaasiin Sh Dalmar iyo Xuseen Axmed Cabdulle oo uga Mahad naqay u Hubso Kaalmada ay bixiyeen.
Axmed Nuur Cumar oo ka mida xubnaha Uhubso ayaa isaguna kula Dar Daarmay Macalimiinta ka Faa'iidaystaan Kaalmadan kana soo baxaan Kaalintooda si ay dhiiri gelin u helaan Dadka iyagu gunadan bixinaya ayna suurtogal tahay in mustaqbalka la kordhin doono haddii la arko midho fiican ayna hirgasho tijaabadan.
Guddoomiyaha Waxbarshada Gobolka Sanaag, Jaamac Cabdi Muuse (Gawaafe), oo isaguna Ka hadlay madasha ayaa ugu horrayn ka warbixiyay Duruufaha xaaladda waxbarasho ee Gobolka Sanaag.
"Aad bay ii farax gelisay in wixii aanu muddo dabadda ka soo wadnay ay maanta hir gasho, Sannadkii hore 2004, tirada ardayda wax ka barata Gobolka waxay dhammayd 8170 arday Sannadkan 2005, waxaanu gaadhsiinay 11430 korodhkaas wuxuu ka yimi Malcaamadihii qaar ka mida ayaanu u aqoonsanay dugsiyo, iyada oo aanu siinay agabkii waxbarshada, taasi waxay suurtogal ka dhigay in ardaygu isaga oo Malcaamadiisa ku jira uu heli karo wax barshadii dugsiga faa'iido waynina way ku jirtaa, ma yara waayaha iyo dhibaatada ka jirtaa Adeegga waxbarasho, balse waxay u baahan tahay in laysu kaashado, Waxaan halkan Mahadnaq ballaadhan uga soo jeedinayaa Ururka Uhubso sida Muwaadinimada ah ee ay is yidhaahdeen Dadkiina wax tara," ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Ugu danbayntii Maayarka Degmada Ceerigaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa uga mahadnaqay Ururka Uhubso Kaalmada ay ku caawiyeen Dugsiga saree ee Ceerigaabo, isaga oo ugu baaqay dhammaan inta kale ee qurba-joogga Gobolka Sanaag inay kaga daydaan tallaabadaa.