Duqa Magaalada Ceerigaabo iyo Wakiilka UHUBSO u jooga Sanaag ayaa kormeer hawleed ku tegay dugsiga

13 April 2006

Duqa Magaalada Ceerigaabo iyo Wakiilka UHUBSO u jooga Sanaag ayaa kormeer hawleed ku tegay dugsiga sare ee Ceerigaabo.


 

Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo duqa magaalada Ceerigaabo mudane Ismaciil X Nuur ayaa todobaadkan kormeer hawleed ku tegay dugsiga sare ee Ceerigaabo.  Waxa ka mid ahaa weftigaas xubno golaha deegaanka ah oo uu ka mid yahay mudane Yaasiin Mire Mohamed, wakiilka UHUBSO u jooga Ceerigaabo mudane Ahmed Cali Xasan "Cadami" iyo madax ka tirsan guddoonka waxbarashada gobolka Sanaag. Ujeedada weftiga ayaa   ku saabsanayd inay soo indha indheeyaan  habsami u socodka hawlaha ka socda dugsiga iyo sidii la dardar gelin laha muddada labada bilood ee ka hadhay waqtiga dugsiga. Hawlaha ka socda dugsiga waxa ka mid ah dhammaystirka deyrka lagu soo wareejinaayo dugsiga iyo sidii wax looga qaban lahaa tirada ardada oo soo kordhaysa sannadba sannadka ka sii dambeeya.

 

Waxayna khudbado waano iyo wargelin iyo hoga  tussaalaynba leh ku siiyeen dhammaan ardayda dhigata dugsiga sare ee Xaaji Aaadan Afqallooc.  Ka dibna waxay warbixino ka dhegeysteen maamule ku xigeenka dugsiga, aad baana laysula gartay in loo wada hawl galo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada iyo shaqo kordhinta dugsiga. Waxayna ballansan yihin isniinta in mayorka iyo golaha degaankuba ay la yeeshaan shir ay ku soo  bandhigayan soo jeedinta guddi loo sameeyo dugsiga iyo wixii tabasho ah ee u baahan in wax lagala qaban karo.

 

Mar mayorku uu la hadlayey ardayda wuxu u sheegay in markii la akhriyry  Evaluationkii lagu sameeyey dugsiga inay ka soo baxday arrin yididiilo  gelin karta qof kasta oo horumarka jecel, wuxuna u sheegay in uu UHUBSO  ka codsaday in ay sannad kale ugu daraan gunnada macallimiinta oo ku eg  bisha April. Wakiilka UHUBSO ayaa goobta ka sheegay in arrintaas ay ururka UHUBSO ka aqbashay taas oo aad loo soo dhoweeyey.
 


Sources: UHUBSO International