Ururka UHUBSO oo kaalmo waxbarasho gaadhsiiyay Gobolka Sanaag
12 June 2005
Ceerigaabo (Jam)- Urur lagu magacaabo UHUBSO oo fadhigiisu yahay
waddanka Ingiriiska oo ay ku bahoobeen dhallinyaro reer Sanaag ah ayaa
soo gaadhsiiyay Maamulka Waxbarshada Gobolka Sanaag iyo Guddida
Waalidiinta deeq guno lacageed ah oo mudo hal sano ah loogu talogalay
qiyaastii toban Macalin oo Wax ka dhiga Dugsiga Sare ee Ceerigaabo.
Xaflad Arrintaas loo sameeyay oo ka dhacday Xafiiska Gudoomiyaha
Waxbarshada Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka soo qaybgalay Maamulka Degmada
Ceerigaabo, Guddiyada walidiinta, xubno ka tirsan Ururada samafalka
waddaniga ah, ganacsatada, wawlwadeenada Wasaaradda Waxbarshada, iyo
marti sharaf kale.
Ugu horayn Waxaa halkaa Ka hadlay Axmed Cali Xassan (Cadami) Wakiilka
Uhubso ee Gobolka Sanaag Wuxuuna Sharaxay ujeedada Deeqdan oo ay ugu
wayn tahay sidii Macalimiinta loogu heli lahaa wax joogto ah oo ka
caawiya nolol-mMalmeedkooda Si ay suura gal u Noqoto inay suur Gal u
noqoto inay ku Xasilaan Hawsha waxbarista.
Sh Maxamed Calli Bixii oo ka mida Culimada Gobolka Sanaag ayaa isaguna
ugu horayn Uga mahad naqay ururka Kaalamada bixiyay sida ay isugu xil
qaameen sidii ay Gacan uga Gaysan lahaayeen qayb ka mida Wax Yaabaha
ugu muhiimsan Tiirarka Nolosha oo ah Waxbarshada, Sheekhu wuxuu aad uga
waramay Faaidooyinka Cilmiga iyo sida ay waajib u tahay in la dhiiri
geliyo.
Waxa iyaguna xaflada ka hadlay Yaasiin Sh Dalmar iyo Xuseen Axmed Cabdulle oo uga Mahad naqay u Hubso Kaalmada ay bixiyeen.
Axmed Nuur Cumar oo ka mida xubnaha Uhubso ayaa isaguna kula Dar
Daarmay Macalimiinta ka Faa'iidaystaan Kaalmadan kana soo baxaan
Kaalintooda si ay dhiiri gelin u helaan Dadka iyagu gunadan bixinaya
ayna suurtogal tahay in mustaqbalka la kordhin doono haddii la arko
midho fiican ayna hirgasho tijaabadan.
Guddoomiyaha Waxbarshada Gobolka Sanaag, Jaamac Cabdi Muuse (Gawaafe),
oo isaguna Ka hadlay madasha ayaa ugu horrayn ka warbixiyay Duruufaha
xaaladda waxbarasho ee Gobolka Sanaag.
"Aad bay ii farax gelisay in wixii aanu muddo dabadda ka soo wadnay ay
maanta hir gasho, Sannadkii hore 2004, tirada ardayda wax ka barata
Gobolka waxay dhammayd 8170 arday Sannadkan 2005, waxaanu gaadhsiinay
11430 korodhkaas wuxuu ka yimi Malcaamadihii qaar ka mida ayaanu u
aqoonsanay dugsiyo, iyada oo aanu siinay agabkii waxbarshada, taasi
waxay suurtogal ka dhigay in ardaygu isaga oo Malcaamadiisa ku jira uu
heli karo wax barshadii dugsiga faa'iido waynina way ku jirtaa, ma yara
waayaha iyo dhibaatada ka jirtaa Adeegga waxbarasho, balse waxay u
baahan tahay in laysu kaashado, Waxaan halkan Mahadnaq ballaadhan uga
soo jeedinayaa Ururka Uhubso sida Muwaadinimada ah ee ay is yidhaahdeen
Dadkiina wax tara," ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Ugu danbayntii Maayarka Degmada Ceerigaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa
uga mahadnaqay Ururka Uhubso Kaalmada ay ku caawiyeen Dugsiga saree ee
Ceerigaabo, isaga oo ugu baaqay dhammaan inta kale ee qurba-joogga
Gobolka Sanaag inay kaga daydaan tallaabadaa.
|