BAAQ QAYLO DHAN AH OO KA SOO YEEDHAY BADHASAABKA GOBOLKA SANAAG

5 April 2005

 

badasaabka sanaag

Wararka kalle ee laga helayo degaankaas ayaa shegaya in tiroba hal qof u dhintay Haraad halka Dhimashada xooluhuna aanay ahayn wax la xissabin karo.


Degmada Dhahar ayaa laga soo sheegayaa Xaalad abaar iyo biyo la'aan ah oo soo food saartay Dadka iyo Duunyada ku nool aagaas, War saxaafadeed uu maanta soo saaray Gudoomiyaha Gobolka Sanaag.


Calli Cabdi Hure ayaa lagu sheegay Sida aya khatar ugu jiraan Nolosha Dadka iyo Duunyada ku Nool degmada Dhahar iyo Baadiyaheeda, Gudoomiyaha ayaa war saxaafadeedkan baaq ugu jeediyay Xukuumada, Hayadaha samafalka, iyo cidii klle ee taakulo ka geysan karaysa sidii loogu gurman lahaa Dhibaatada soo Gaadhay Shacabka degmada Dhahar,

 

Wararka kalle ee laga helayo degaankaas ayaa shegaya in tiroba hal qof u dhintay Haraad halka Dhimashada xooluhuna aanay ahayn wax la xissabin karo, Sanadahii u danbeeyay waxa Gobolka Sanaag ka jiray abaaro Iska soo daba noq noqday kuwaas oo galaaftay kumanaan Xoolo ah halka dad aad u tiro badanina ku caydhoobeen,


Ugu danbayntii War saxaafadeedka badhasaabka Wuxuu ugu baaqay in Xukuumada iyo Hayadaha kalle eesamafalkuba ay si dhakhsa ah uga soo jawaabaan Baaqan Qaylo dhaanta ah .


Source 'QARANNEWS.COM'