uhubso oo ka qayb gashay shirkii nomad holland

 

Ururka UHUBSO oo ka qayb galay shirweynihii NOMAD Holland oo ka dhacay degmada Door oo ku taal duleedka Magalada Utrecht.

Kulankan oo ahaa mid dhalin yarada NOMAD Holland ay si aad ah uga soo shaqeeyeen una soo abaabuleen, ayaa lagu casumay ururka caalamiga ah ee UHUBSO, waxana ururka uga qayb galay sadex xubnood.

Xubnahaas oo kala ahaa:

• Maxamed Cali Jibriil
• Yaasiin Maxamed Cabdi
• Maxamud X Mire

Waxa madasha shirka layku waydaarsaday fekrado fara badan oo wax ku ool ah oo ku saabsan sidii ururada sama falka ah ee Somaliland wax u wada qaban lahaayeen ugana faa'iidaysan lahaayeen fursadaha soo mara. Waxay uhubso shirka ku soo ban dhigtay war bixin kooban oo ku saabsan ururka iyo wax qabadkiisa mudadii uu jiray, warbixintaa oo uu soo jeediyey maxamuud X Mire, waxa isaguna madasha ka hadlay Xildhibaan Maxamed Cali Jibriil oo u hadlayey ururka UHUBSO, wuxu xildhibaanku ka waramay sida loogu baahan yahay wada shaqayn iyo is taakulayn ka dhexaysa ururada sama falka Somaliland, wuxu kale oo war bixin kooban xildhibaanka ka siiyey shirka xaalada Somaliland oo uu isagu dhowaan ka yimi.

Waxa geba gebadii shirka lagu kala tegey is af garad, is fahan iyo heshiisyo wax ku ool ah oo ku saab san sidii ururada ka soo qayb galay shirkan ay u wada jaan qaadi lahaayee.

 

Waxa shirka ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan oo reer Somaliland ah oo jecel wax qabadka Somaliland, kuwaas oo qaarkood ka tirsanaayeen ururka NOMAD iyo ururo kale oo Europe ka wada jira, waxa iyaguna ku sugnaa marti sharafyo kale oo aan ururna ka tirsanayn, kuwaas oo qaarkood ku biireen ururadii madsha isugu yimi oo ay ka mid ahaayeen NOMAD iyo UHUBSO.

Waxa markii uu shirku dhamaaday madasha shirka ku soo ban dhigay maslax dhalin yaro ka mid ah dhalin ayaradii shirka ka soo qayb gashay, kaas oo aad u xiiso badnaa oo ay ugu talo galeen in lagu nasto maadaama uu shirku socday mudo sadex maalmood ah oo aan kala go' lahayn.

Ururka UHUBSO wuxu mahad aad u balaadhan u naqayaa NOMAD Holland sida ay shirka u soo abaabuleen isuguna hawleen, waxanuna leenahay halkaa kasii wada wax qabadkiina, waxanuna rajaynaynaa in ay ku daydaan ururada kale ee samafalka Somaliland, gaar ahaan NOMAD  qaybaheeda kale ee kala jooga wadamada kala duwan.