Home :: Wefti ka socda EU-da oo soo gaadhay sanaag
Weftia kasocda EU-da ayaa maalintii isniintii (24/4/06) 2:30-pm kasoo degey garoonka diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada ceerigaabo (Erigavo Airport), Weftigaas kasocda EEU-da oo ka kooban saddex xubnood oo uu weheliyey madaxa hay'adda CEFA Int. Ngo (mr Robert) ee iyadu ah hay'adda keliya ee deggan gobolka sanaag, islamarkaasna joogi doona ilaa khamista (27/4/06) arrimaha ay u socdeen waxa ka mid ah:-
a) Xog ogaal u noqoshada guud ahaan xaaladda gobolka sanaag dhinac kastaba, b) Kormeerka waxqabad ee hay'adda CEFA muddadii ay gobolka degganayd oo ah shan sano, iyo c) Sahan ay u yihiin hay'ado kale oo la filayo in ay gobolka soo degi doonaan.
Weftigani waxay kulammo kala gaar gaar ah xafiisyadooda kula yeesheen guddoomiyaha maammulka gobolka sanaag (cali cabdi hurre) iyo mayor-ka degmada ceerigaabo (ismaaciil xaaji nuur), kuwaas oo dhammaantood weftigaas uga mahad celiyey booqashadan, sidoo kalena uga xog warramay xaaladda dhabta ah ee gobolkan sanaag dhinac kastaba, una sheegay:- In gobolka sanaag yahay mid nabadgelyo buuxdaa ka jirto, In gobolku leeyahay khayraad badan oo u baahan caalamku in uu maal gashado oo wax ku darsado, In gobolka ay degaan dhab ah ku yihiin dhammaan beelaha ku dhaqan somaliland, iyo In gobolkan sanaag baaxad ahaan yahay 37% somaliland, taas oo ku talo galkeeda baahiyeedna leh, sidoo kalena labada guddoomiye waxay aad ugu cel celiyeen hay'adda keligeed muddada dheer halkan degganayd (CEFA) iyo baahida gobolkan baaxaddaas weyn lihi in aanay isu dheelli tirmi karin, baahi weynna loo qabo in gobolka hay'ado kale soo degaan, waxana labada guddoomiye mid waliba gaarkiisa ugu boorriyey weftigan in aan hay'adaha samafalku ku koobnaan ama ku urursanaan xarunta somaliland (hargeisa),
Ugu danbayn weftigaasi waxay ballan qaadeen in ay gobolka soo degi doonto saddex bilood kaddib hay'adda GAA (Germany Acro Action), waxana xidhiidhiye ka ah isku dubbarridka hawlaha weftigan inta ay gobolka sanaag joogaan Mr.A-Banday madaxa hay'adda CEFA ee gobolka sanaag.
Xubnaha weftiga EU-da:- 1. Mr Andreye EU Laisson officer in hargeisa 2. Mr Sets EU Livestock officer in Nairobi 3. Mr Luciano EU Agricalture officer in Nairobi
Abdullahi Hussen Darwiish UHUBSO
Ceerigaabo
|