Home :: Kulan ka dhacay London oo uu qabtay maayarka ceeer
kulan taariikhi ah oo aan noociisa hore loo arag oo maayarka ceerigaabo Md Ismaaciil X. Nuur ku qabtay London.

Maayarka caasimada gobolka Sanaag, Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur oo in muda ahba ku sugnaa cariga Ingriiska ayaa Sabtidii 4th February 2006 shir ku qabtay daarta caanka ah ee la yidhaahdo Oxford House oo ku taala bariga magaalada London.
Shirkaas oo ahaa shir si aad ah loo soo abaabulay ayaa noqday mid ka soo qaybgalkiisa ay la yaabeen dad badan oo ahaa kuwii ka soo qaybgalay iyo kuwa dusha ka la socdayba. Shirku wuxuu bilaabmay salaadii duhur ka bacdi waxaa na la soo gabagabeeyey 8:00 dii fiidnimo.
Shirka waxaa soo qabanqaabiyay urur samafal oo magaciisa marka la soo gaabiyo la yiraahdo UHUBSO, fadhigiisuna yahay cariga Ingriiska. Ururkaas oo ay ku bahoobeen aqoonyahano reer Somaliland ah, oo ka hawl gala Somaliland mashaariicna ka fuliya gobolka Sanaag.
Waxaa shirka ka soo qaybgalay dad aad u fara badan oo buuxiyay madashii shirka oo isug jiray rag iyo haween, waxay ka koobnaayeen waayeel, aqoonyahan, culimaa u diin iyo dhalin yaro, kasoo jeeday dhamaan gobolada Somaliland, una badnaa reer Sanaag.
Shirka oo ay si wada jir ah u daadihinayeen Xasan Aadan Cismaan Hoori iyo Anwar Aadan Maxamed, wuxuu ku bilaabmay jawi aad u diiran oo ay ka muuqatay xamaasad iyo wadaniyad aan hore loogu arag shirar kan la mid ahaa oo hore uga dhici jiray carigan Ingriiska.
Markuu shirku in muda ah socday ayaa waxaa maayarka migrifoonka ku soo dhoweeyay Xasan Aadan Cismaan Hoori. Waxaa maayarku khudbadiisa ku bilaabay mahadnaq uu u soo jeediyay dadkii shirka ka soo gaybgalay iyo dadkii soo qabanqaabiyay. Wuxuu maayarku ka waramay marxaladihii gobolku soo maray iyo sida ay ku timi nabadda iminka lagu naaloonayo. Wuxuu u sheegay dadkii khudbada dhegaysanayey in ay yihiin labeentii dalka, loona baahan yahay maskaxdooda, muraqooda iyo maalkoodaba. Wuxuu maayarku yiri "Waxaad tihiin dadkii ay ahayd in ay waxnoo sheegaan, ee matihidin dadkii aan anagu wax u sheegi lahayn". Wuxuu maayarku tilmaamo ka bixiyay baahiyaha gobolka iyo sida loogu baahanyahay inay wax uga qabanlahaayeen dadka u dhashay gobolka Sanaag ee qurba jooga ahi, waxaa maayarku qudbadiisii kusoo gabagabeeyey fariin u gudbinayay dhamaan qurba jooga reer Sanaag oo ugu sheegayey in dalkoodii hooyo sugayo.
Markuu maayarku khudbadiisii dhameeyey dhamaan dadkii shirka fadhiyay way ka kaceen kuraastii ay ku fadhiyeen, waxayna iyagoo taagan garaacayeen sacab soconayey mudo shan daqiiqa ah.
Waxaa maayarka ka daba qaatay General Cabdi Maxamed Saxardiid oo loo yaqaano "Cabdi Dhiboo", oo ka hadlay baahiyaha gobolka, wuxuuna si gaar ah u taabtay baahida loo qabo wado isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo dhowr jeer oo hore laysku dayo in wax laga qabto. Wuxuu maayarka ugu mahadnadaqay hawlaha hurimarineed iyo kuwa nabadeed ee uu goblka ka hir geliyay maayarku mudadii uu xilka hayey.
Waxa iyana shirka ka hadlay Siciid Jaamac Xuseen (Kucmudi), Ambaasaoor Cali Xassan Cali, Maxamuud Axmed Liibaan iyo dad kale oo fara badan oo dhamaantood maayarka ugu bogaadiyay horumarka uu gaadhsiiyay gobolka mudadii uu xilka hayey. Waxay kale oo mahad u soo jeediyeen dhamaan xubnaha dagaanka ee degmooyinka gobolka Sanaag oo ah kuwa ugu khilaafka yar gudiyada degaanka ee dhamaan degmoonyinka JSL.
Waxa shirka kiciyey dareenkii dadka, waxana dad badani si xamaasadi ku jirto ugu yabooheen lacag ay ku caawinayaan waxa qabadaka iyo horumarinta gobolka, lacagtaa oo ay masuul ka noqon doonaan gudi sided qof ah oo si toos ah ula shaqayn doonta ururka samafalka ee UHUBSO. Magacyada gudidaas waxa lagaga dhawaaqay shirka dhexdiisa, waxana la filayaa in ay si dhaqso ah u howl geli doonaan.
Lacagta lagaga yaboohay golaha oo qadarkeedu dhamaa $16,700.00, waxa marka ay soo ururto lagu wareejin doonaa gudi ka kooban 25 xubnood oo dhowaan laga sameeyey gobolka sanaag oo lagu magcabo "Gudida Horumarinta G/sanaag".
Dalmar TV Somaliland Europe London, UK
|