Home :: Fadhi lagu anxisiyey Qaab-dhismeedka Guddida Horum
Fadhi lagu anxisiyey Qaab-dhismeedka Guddida Horumarinta Gobolka Sanaag.

Guddida horumarinta gobolka sanaag oo la sameeyey 03/1/2006 ayaa waxay hore ugu xilsaareen xubno guddi farsamo oo ay dhexdooda iskasoo xuleen in ay soo sameeyaan qaab-dhismeedka guddida, guddi hoosaadyada guddida, iyo sharciga(xeerka) guddida horumarinta gobolku ku dhaqmi doonto.
Haddaba waxa khamiistii guddida horumarinta gobolku isugu yimaaddeen fadhigoodii ugu horreeyey ee guddidaas farsamo kusoo bandhigtay arrimihii loo xilsaaray wixii ay kasoo qabteen, waxana fadhigan ay ku ansixiyeen (gacantaag) qaab-dhismeedka guddi ahaaneed iyo sida farac kasta (guddi-hoosaad) oo guddidan ka mid ahiba u shaqayn doonto. Waxana sidoo kale dib loo dhigay ansixinta xeerka guddidani ku dhaqmi doonto oo guddidan farsamo miiska soo dhigeen,taas oo laysla qaatay maaddaama uu u baahan yahay waqti dheeraad ah, si qof waliba ugasoo baaraan dego qodobbada xeerkan, unasoo bandhigi karo aragtidiisa la xidhiidha xeerkan. Waxa sidoo kale guddidu ansixisay in ku biiridda xubinnimada guddidani ay tahay mid furan oo cid kasta oo wax ku ool loo arko una diyaar ah horumarka gobolka sanaag ay kusoo biiri karto.
Ugu danbayn guddida horumarinta gobolka sanaag iyagoo ka hadlaya dhinaca hay'adaha gobolkan sanaag deggan oo wax badani kaga xidhan yihiin horumarinta gobolka waxay sheegeen Ngo-yada/hay'adaha halkan deggan waxa
lasheegayaa maalmahanba qoraallo aan habboonayn xaqiiqadooduna yar tahay in uu ka qoray wargeyska haatuf, taas oo carqalad ku noqon karta hay'adaha gobolkan soo degi lahaa,iyo horumarka gobolkan intaba, isagoo arrintaas ka hadlayana ch-caaqil c/kariim xaaji ducaale wuxu yidhi "hay'adaha waxannu diyaar u nahay in aannu soo dhoweyno, oo ay nagala qayb qaataan horumarinta gobolkan sanaag, waxanna leeyahay jaraa'idka la qorayo nin waliba dalkan wixii uu ku darsado waa heli doonaa (xumaan iyo wanaagba) waana lagula xisaabtami doonaa, waxannuna leenahay dadka joornaallada qoraya ha ogaadaan dalka in taariikhi ka hadhi doonto, sanaagna waa gobolka ugu nabadgelyo weyn somaliland, hay'adaha joogana sida CEFA,CANDLELIGHT,PENHA,IWM sanaag taariikh ayay ku leeyihiin, waannuna u mahad celinaynaa".
Cabdullahi Xussen Daqwiish Ceerigaabo Sanaag Somaliland
|