Home :: Dhismihii dayrka dugsiga sare ee ceerigaabo
Dusiga sare ee ceerigaabo oo si aad ah hareeraha loogaga soo durkay, lana qaatay qayb ka mid ah dhulkii uu hore u lahaan jirey ayay. Markii ay uhubso aragtay sida uu dugsigu khatar ugu jiro in uu waayo dhulka kaydka ah ee uu leeyaya ayay UUHUBSO go'aansatay in ay isku daydo in ay wax ka qabato.
Waxay uhubso go'aan satay in ay dayr muujinaya dhulka dugsiga ku wareejiso, iyada oo la kaashanaysa maamulaka degmada ceerigaabo iyo kan gobolkaba. Wakiilka uhubso axmed cali xassan (cadami) dhowaan bilaabay in uu dhiso deyrka dugsiga sare ee ceerigaabo, sawirada aad halkan ku aragtaana waa markii la bilaabay dayrka, kaas oo aan weli la dhamays tirin. UHUBSO waxay taageerayaasheeda ku boorinaysa in ay ka qayb qaataan projectan muhiimka ah ee dhismaha dayrka dugsiga sare ee ceerogaabo, si uu dugsigu u helo dhulkiisii uu hore u lahaan jiray.

cagaftii oo Jeexaysa ama calaamadinaysa meesha la rabo in uu deyrku maro.
Masuuliyiinta maamulka degmada iyo gobolka oo iyana goob joogayaal ka ahaa markii howshu socotay
Wakiilka uhubso ee gobolka sanaag Axmed Cali Xassan oo hogaaminayey mashruucan.
|