 |
|
 |
| |
Background
Projects
Branches
|
|
 |
|
 |
|
Home :: Booqashada Wasiirrada
Booqashada Wasiirrada
Booqashada Wasiirrada Waxbarashada iyo Boosaha ee Gobolka Sanaag.
Waa markii ugu horraysey ee wasiirro kasocda labadan wasaaradood (waxbarashada iyo boosaha) ay soo gaadhaan magaalo madaxda gobolkan sanaag tan iyo intii lagu dhawaaqay goonni isu taagga somaliland.
Waxay soo gaadheen magaaladan ceerigaabo isniintii 01-may-2006 galabnimadii maalintaas oo ahayd maalinta shaqaalaha adduunka, loogana bartay maalin shaqaalaha adduunku fasax kujiro, waxayse ahayd maalin uu ka dhacay ceerigaabo muddaharaad laxaad leh oo lagagasoo horjeedo qiimaha biyaha lacabbo oo kordhay 100%, inkasta oo dadweynaha iyo ardayda dugsiyaduba gelinkii danbe u dareereen soo dhoweynta wasiirradaas oo ay meel fog kasoo gelbiyeen oo wixii kale ee jireyba dib loo dhigtay.
Haddaba inkasta oo ilaa haddan aanay wasiirradaasi meel fagaare ah kala hadlin dadweynaha, sidoo kalena aanay qaban shir jaraa'id oo ay kaga warramayaan xaaladda guud ahaaneed ee socdaalkooda, haddana waxay kulammo gaar gaar ah layeesheen madax-dhaqameedyada, maammulka dawladda, guddida horumarinta, ganacsatada, iyo wasaaradahooda.
Haddaba inta aynaan kala qaadin labada wasiir tallaabada ugu horraysey ee ay wada jirka ugu guulaysteen waxay ahayd xaaladdii ka abuurantay qiime korodhka biyaha oo xagga shacabka kasokow dhalisay kala qaybsanaan ka dhex muuqatay maammulka ceerigaabo (heer gobol iyo heer degmo), taas oo xalka lagu dhammeeyey ay qayb libaax ka qaadatay joogitaanka labadan wasiir, waxa kale oo labada wasiir ka siman yihiin ballan qaad kusaabsan wax qabad horumarineed oo mid waliba sheegay wasaaraddiisa gobolkan sanaag in uu ka samayn doono.
Intaas kaddib haddii aynu kala qaadno labada wasiir oo ku horrayno wasiirka waxbarashada (xasan xaaji max'ud) wuxu xarunta wasaaradda ee gobolka sanaag kula shiray madaxda heer gobol sanaag ee wasaaradda waxbarashada, halkaas oo uu kaga xog warramay xaaladda guud ahaaneed iyo tan gaar ahaan socdaalkiisa, iyo kutala galka danbe ee xilliyada foodda innakusoo haya, isagoo sheegay waqtigan iskuullo ka mid ah dugsiyada quudinta ee loogu tala galay meelaha dadka ku nooli guur guuraanin uu usido gobolkan sanaag, kuwaas oo uu qaar ka mid ah siiyey degmooyinka dhinaca galbeedka sanaag oo uu iyaga kusoo horreeyey, halka uu qaar kalena siiyey degmooyinka koonfurta iyo degmada ceerigaabo gudaheeda , kuwaas oo qaarkood uu dhagaxa dhigay wasiirku, wuxu sidoo kale kormeerro ku tegey dhammaan dugsiyada dawladda ee kajira ceerigaabo, kuwaas oo uu ardayda u qudbadeeyey, ugana mahad celiyey soo dhoweyntiisii, kuna boorriyey in ay waxbarashada ku dedaalaan, balwaddana iska ilaaliyaan, isagoo u sheegay ardayda wanaagsanina in ay heli doonaan waxbarasho lacag la'aan ah, wuxuna ugu duceeyey in ay noqdaan kuwii guulaysta, wuxuna wasiirku xadhigga ka jaray iskuul cusub oo laga dhisay ceerigaabo ayna dhistay hay'adda UNICEF loona bixiyey Sheikh dalmar Primary School.
Dhinaca kale wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta (xasan cabdi khayrre) wuxu shir kula yeeshay hoolka shirarka ee xarunta gobolka sanaag madaxda shirkadaha isgaadhsiinta ee ka jira gobolka sanaag, wuxuna ugu horrayn uga xog warramay xaaladda guud hadafka wasaaraddan ee dhinaca shaqada boos ahaaneed iyo heerarka kala geddisan ee isgaadhsiinta somaliland soo martay xilliyadii lasoo dhaafay ilaa maanta, iyo sidoo kale habka casriga ah ee la doonayo gaar ahaan somaliland in loo guuro xilligan (central switch and country code number), taas oo sida wasiirku sheegay in badan xukuumaddu guul kasoo gaadhey heshiisyona kala gashay shirkadaha hawshan qabanaya iyo hay'adaha ay ka midka yihiin UPU iyo ITU, iyo dawladaha jaarka ah itoobiya iyo jabuuti oo iyaguna xukuumaddu heshiisyo kala gashay horumarinta dhinaca boosaha iyo isgaadhsiinta, central switch-kiina muddo dhawr bilood ahba dhammaystiran yahay, inkasta oo wasiirku sheegay hawsha dhinaca isgaadhsiinta xukuumaddu ka waddo in ay jiraan shirkado isgaadhsiineed oo doonaya in ay wiiqaan, isagoo arrintaas ka hadlayana wuxu yidhi " sagaal shirkadood oo kuwan magacyadiinnu ku jiraan ah ayaa heshiis la galay jabbuuti oo damcay intii aannu samayn lahayn in ay sameeyaan kuwaas oo ujeeddadooduna tahay in aan la ogaan xaqiiqda dhabta ah ee kusaabsan shaqada isgaadhsiineed ee shirkadohoodu qabtaan (inter calls and outgoing calls)", wuxuna wasiirku qiray qaabka isgaadhsiineed muddadii burburka in shacabku kaalin weyn ka qaateen, lacag badanina kaga baxday,guulona ka gaadheen, laakiin qaabka ay u dhismeen ayaan ahayn qaab dawli ah oo xataa toodii ayaan dammaanadiba jirin ayuu yidhi wasiirku, wuxu kaloo intaas ku daray " arrintan isku xidhka isgaadhsiinta ee dawladdu waddo meel adag ayay naga gaadhey shirkadaha isgaadhsiinta, waxayna naga taagan tahay in aan albaabbada u xidho iyo in lagu xidhmo switch-kan cusub", isagoo ka hadlaya dhinaca telefoonnada mobile-ka wuxu yidhi " june 2006 waxannu go'aansannay afarta mobile ee dalka ka furan in la xaraasho markii ay socon waayeen, dhammaantoodna midna sharci ma haysto, waxannuna ka xaraashaynaa shirkadaha adduunka ka jira ee isgaadhsiinta, ciddii ka qayb gelaysana waa lasoo bandhigayaa taas.
Isagoo dhinaca sharciga ka hadlayana wuxu yidhi " way noo dhammaystiran yihiin saddexdii sharci ee lagu maammuli lahaa isgaadhsiinta iyadoo aan cidina naga caawin shirkado iyo hay'ado kale toonna, waxannuna hor geyney golaha wasiirrada, waxayna hor yaalliin golaha baarlammaanka, inkastoo ay wiiggii dhoweyd intii aanay fasaxa tegin dib noogu soo celiyeen, waannuse kusii shaqaysanaynaa mar haddii golaha wasiirradu noo ansixiyeen inta ka horraysa far hungurida (afsoomaali) ay nagu yidhaahdeen kusoo qora sharciyadan".
Ugu danbayn wasiirku isagoo lahadlaya madaxda shirkadaha isgaadhsiinta ee gobolkan sanaag wuxu yidhi " reer sanaagow liisammada qaata, cashuurtana bixiya, central switch-kana marka la furo isaga ayaa lagusoo xidhmi doonaa" wuxuna intaas raaciyey xarunta gobolkan sanaag waxannu ka dhisi doonnaa xarun weyn oo leh guri martida loogu talo galay oo aan dhagaxa sii dhigi doono, waxaana loosoo deynayaa miisaaniyadda (kabka) saddex bilood kastaba.
A Darwiish. Ceerigaabo. Somaliland
|